C/weli Gaas oo ka tacsideeyey Saraakiil ku geeriyootay shil gaari.

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacssideeyey 3 Sarkaal oo shalay ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay duleedka Deegaanka Dangoroyo ee Gobalka Nugaal.

Saraakiisha ku geeriyootay shilkaasi ayaa lagu kala magacaabi jirey G/DHEXE Maxamuud Cabdi Jaamuud, G/dhexe Maxamed Saciid Jaamuus iyo G/dhexe Cawad C/raxmaan Guuleed.

Marxuumintaasi oo xilal Ciiddan hayey ayaa la sheegy inay isku shil ku wada geeriyoodeen, kadib, markii uu gaariga ay la socdeen uu ku qalibmay Deegaanka Libaaxo oo u dhow Deegaanka Dangroyo iyo Tuulladda Sinu-jiif.

   

Halkan ka akhriso Tacsida uu diray Madaxweynaha Puntland:

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media