QM oo u hambalyeysay Madaxweynaha cusub ee DFS.

Hawlgalka QM ee Taakuleynta Somalia (UNSOM) ayaa u hambalyeeyey Ra’isul-wasaarihii hore ee Somalia, Maxamed C/lalahi Farmaajo oo loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Somalia.

Afhayeenka UNSOM, Joseph Contreas ayaa sheegay inay QM iyo Beesha Caalamka diyaar u yihiin inay Madaxweyne Farmaajo ka taageeraan Hawlaha badan ee sugaya Dowladiisa.

Waxa uu intaasi ku daray inay kala shaqeyn doonaan isga iyo Dowladiisa  Arrimaha  Dhaqaalaha, Siyaasadda, Ammaanka iyo Samafalka Aadminimadda ee soo wajahayo Soomaalida.

Afhayeenka UNSOM, Joseph Contreas waxa uu doorashadda Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay Guul Taariikheed oo ka dhalatay dadaalkii ku-dhawaadka 18-ka bilood loogu jiray Doorashadda Madaxweynaha.

Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu u hambalyeeyey Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoO sheegay inuu xiriir wada-shaqeyn oo aad u wanaagsan la lahaa QM.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media