Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo shir muhiim ah yeeshay

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta gudoomiyay shir ay ka qeybgaleen dhamaan masuuliyiinta sar-sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo ku qabsoomay hannaanka muuqaal-shireedka qadka internetka.

Kulanka ayaa intii uu socday looga arinsaday sii ambaqaadidda howlaha ka harsan dhameeytirka dastuurka, waxaana sidoo kale laga dooday qorshe-howleedka lagu dhameeystirayo geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka oo ay horay Wasaaradda iyo labada Guddi si wadajir ah u diyaariyeen.

Wasiir Saalax Jaamac oo ugu horeeyn kulanka furay ayaa ka hadlay howlaha taagan oo ay ugu muhiimsanyihiin arrimaha u baahan in xal-siyaasadeed laga gaaro isaga oo sheegay inay udub-dhexaad u yihiin fulinta qorshe-howleedka dhameeystirka dastuurka.

“Sida aad ogtihiin arrimaha masiiriga ah ee u baahan in wadaxaajood-siyaasadeed laga galo ayaa iminka ah horutabinta ugu muhiimsan ee ka mirodhalin karta geedi-socodka lagu dhameystirayo dastuurka, inaga ka wasaarad ahaan waxaanu gelinay dedaal badan in horay loo dhaqaajiyo arrimahaas inaga oo wasaaradaha kala duwan ee dowladda dhexe la yeelanay kulamo-howleedyo si Xukuumadda Federaalka ay aragti mideysan uga yeelato dhameeytirka dastuurka kadibna ay u fududaato in wadaxaajood-siyaasadeed ay ka galaan hogaanka sarre ee dalka” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa si wadajir ah waxa ay uga hadleen qaar kamid ah qodobada dastuurka ee u baahan in si degdeg ah xal-siyaasadeed looga gaaro si loogu guuleysto fulinta qorshe-howleedka dhameeystirka dastuurka.

Gebogabadii, Wasiir Saalax oo kulanka soo xiray ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in la dardargelin doono arrimaha wacyigelinta dadweynaha ee arrimaha dastuurka si dadka Soomaaliyeed ay xog badan uga helaan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay islamarkaana aragtiyadooda uga dhiibtaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media