Dhageyso:-Guddoomiye Mahad Cawad”Mursal inta uusan qaban mooshinka ayaan u dignay”

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacbaka Cabduweli Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in mooshinka Xildhibaanada ay ka keeneen Madaxweynaha uu yahay mid sharcidaro ah.

Isaga oo uu garabkiisa fadhiyay guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabduweli Ibraahim Muudeey ayuu sheegay in xilligaan aysan sharci aheyn in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu qabto mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya,maadaama sida u sheegay aysan wadanka ka dhisneyn Maxkamad Dastuuri ah.

 “Cawaaqib Xumada Ka Dhalata Mooshinka Uu Aqbalay Guddoomiye Mursal Isaga oo ogsoon in aysan Jirin Maxkamad Dastuuri Ah Wixii Ka yimaado isagaa Masuul ka ah oo og halka uu la aadayo”

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay horay ugu digeen in uusan qaban mooshin ka dhan ah Madaxweynaha ilaa laga dhisayo Maxkamada Dastuuri ah.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada ayaa isku khilaafsan xilligaan mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor