• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, May 10, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Hay’ad Caalami oo sheegtay in uusan Madaxweynaha DFS wada maamulin ciiddanka ammaanka.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
May 24, 2015
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Drs. Vanda Felbab Brown oo ka tirsan Hay’adda Brookings Institution ee uu fadhigeedu dhexe ku yaallo magaalladda Washington DC ayaa hadalkaasi ka sheegtay Warbixin ay ka diyaarisay safar ay bishii March ee la soo dhaafay ku timid magaalladda Muqdisho.

Sarkaalladda oo khabiir ku ah dhinaca Ammaanka, ayaa hadalkaasi ka sheegtay Kulan ka dhacay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Brookings Institution oo looga hadlayey La-dagaalanka Argagixisadda iyo Dhismaha Dowladnimo ee Somalia.

Waxay tilmaamtay inuu gaabis galay hawlgalka socda ee ay ciiddanka Dowladda Federalka iyo kuwa AMISOM kula jiraan Xarakadda Alshabaab, waxayna hoosta ka xariiqday inay Ganacsiyeynta caqabad ku noqotay Hawlgalkaasi.

Drs. Vanda Felbab Brown waxay kaloo sheegtay inuusan  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wada maamulin Ciiddanka Ammaanka, oo ay ku tilmaamtay inay weli yihiin kuwo beeleed oo hoos taga siyaasiyiinta, waa sida ay hadalka u tiri.

Waxay kaloo ka hadashay dhibaatooyinka haysta Dowladda Dhexe ee Somalia oo ay xustay inay ragaadiyeen musuq, isla markaana aysan Ciiddanka Qaranka helin mushaarkooda.

“Ciiddanka Qaranka waxaan la siinin musharakooda, Lacagaha waa la xawishaa, waa kooban yihiin adeegyadooda Sirdoonkooda” ayey tiri Drs. Vanda Felbab Brown oo ka tirsan Hay’adda Brookings Institution.

Waxay intaasi ku dartay inaysan Milliteriga DFS la mid ahayn Ciiddanka AMISOM, isla markaana ay Beelaha yihiin kuwo kuwo maamula ciiddankaasi, xitaa haddii ay dagaal la galayaan Alshabaab, waa sida ay hadalka u tiri.

Waxay kaloo sheegtay inay Ganacsato ku lug leeyihiin Khaarajka Hawlgalladda, ee had iyo jeer sida degdeg ah lagu dhameeyo, waa sida ay hadalka u tiri.

Dhinaca kale, Drs. Vanda Felbab Brown  waxay sheegtay in Ciiddanka AMISOM yihiin kuwo aan lala xisaabtamin, isla markaana aan lahayn Talis Mideysan iyo inay ka gaabiyeen hawlgalladda ka dhanka ah Alshabaab iyo inay ka caga jiidaan inay dabagalaan Dagaalyahannadda Alshabaab.

“ AMISOM waxay rigli ku yihiin fadhiyadooda, waxay degmooyinka qaarkooda maamulaan maalintii, oo habeenkii laguma arko” ayey tiri    , waxayna intaasi ku dartay in AMISOM diidan yihiin dagaal ay la galaan Alshabaab, xitaa iska horimaadyadda yaryar.

Previous Post

Hay’addaha Ammaanka ee Yuhuudda oo Kenya ka taageerayo La-dagaalanka Alshabaab.

Next Post

Madaxweyne Xasan“ Xildhibaan Yusuf Dirir wuxuu ahaa howl-kar ah oo wax badan u soo qabtay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho
Warar

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

May 10, 2025
Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka
Warar

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

May 10, 2025
BBC
Caalamka

1. Mascuud Azhar: Ninka Colaadda u Horseeday Hindiya iyo Pakistan

May 10, 2025
Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah
Warar

Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah

May 10, 2025
“Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran”
Warar

“Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran”

May 10, 2025
BUUG AF-SOOMAALI AH OO LOO QORAY DADKA MAQALKA NAAFADA KA AH.
Bilan Media

BUUG AF-SOOMAALI AH OO LOO QORAY DADKA MAQALKA NAAFADA KA AH.

May 10, 2025
Next Post

Madaxweyne Xasan“ Xildhibaan Yusuf Dirir wuxuu ahaa howl-kar ah oo wax badan u soo qabtay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed

Turkiye discovers 20 billion barrels of oil in Somalia

Turkiye discovers 20 billion barrels of oil in Somalia

by Dalsan Editor
May 10, 2025
0

Mogadishu, Somalia – In what could be one of the most significant oil discoveries in recent East African history, Turkiye...

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

by Ilhaan
May 10, 2025
0

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadam, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo...

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

by Ilhaan
May 10, 2025
0

Kulankii caadiga ahaa ee Golaha Shacabka ee maanta ayaa baaqday, kaddib markii xildhibaannadu waayeen waddooyinkii ay ku tagi lahaayeen xarunta...

BBC

1. Mascuud Azhar: Ninka Colaadda u Horseeday Hindiya iyo Pakistan

by Ilhaan
May 10, 2025
0

Horaantii toddobaadkan, Hindiya ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday sagaal goobood oo gudaha Pakistan ah, iyadoo jawaab uga dhigtay weerar...

Turkiye discovers 20 billion barrels of oil in Somalia
English News

Turkiye discovers 20 billion barrels of oil in Somalia

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho
Warar

Mas'uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka
Warar

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
BBC
Caalamka

1. Mascuud Azhar: Ninka Colaadda u Horseeday Hindiya iyo Pakistan

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah
Warar

Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran”
Warar

"Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran"

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Turkiye discovers 20 billion barrels of oil in Somalia
  • Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho
  • Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka
  • 1. Mascuud Azhar: Ninka Colaadda u Horseeday Hindiya iyo Pakistan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00