Senatarad Tammy Duckworth oo 50=jir ah aya gabar ku umushay Xafiiska, waana haweeneydii ugu horreysay ee ka tirsan Aqalka Senedka Maraykanka ee umusha, iyadoo weli joogta Xafiiska.
Tammy Duckworth oo horey u ahayd Duuliye ka tirsan Milliteriga Maraykanka waxay labadeeda lugood ku weyday, markii ay Diyaarad Helikopter ah kula burburtay dalka Iraq sannadkii 2004-tii.
Haweeneydaasi oo ah Mudane ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doortay Gobalka Illinois waxay Barteeda Twitter-ka soo dhigtay inay gabadha ay umushay ugu magac dartay Maile Pearl Bowlsbey oo ahayd Eedadii ninkeeda, taasi oo Kalkaaliye Caafimaad ku shaqeyn jirtey muddadii uu socday Dgaalkii 2-aad ee Adduunka.
Sidoo kale, Tammy Duckworth waxay Twitter-keeda ugu mahad celisay Qoyskeeda iyo Kooxda Caafimaadka.
Haweeneydaasi waxay cunugeeda 2-aad dhashay sannadkii 2014-kii, xilligaasi oo ay ka shaqeynaysay Aqalka Wakiiladda ee Maraykanka (The US House of Representatives)
Xigasho: BBC NEWS