Dagaal mar kale dib uga Qarxay magaalada Laascaanood

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal culus oo aroornimadii hore ee saaka mar kale dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Wararkii ugu dambeeyay ee ina soo gaaaraya ayaa sheegaya in dagaalka uu saaka qarxay,waxaana lasoo sheegayaa xaaalad kacsanaan ah, oo qaybi ka muid ah Magaalada waxaa kusoo dhacay Madaafiic sida ay sheegayaan dadka degaanka.

Daryanka Madaafiicda ayay dadku ku waaberisteen saaka, lamina oga-khasaaraha ka khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, balse wararku waxaa ay sheegayaan in dagaalkaasi uu yahay mid Culus.

Dagaaalka magaalada Laascaanood ayaa ku dhaw 20 beri oo xiriir ah, waxaana isi-soo taraya baaqyada ku aaddan labada dhinac ee ah inay dagaalka joojiyaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor