Hal qof oo Rayid ah ayaa ku geeriyooday weerar Bam-gacmeed oo xalay lala beegsdaday Hoyga Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federalka ka deggan yahay Degmadda Xamar-weyne ee magaalladda Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan inay kooxo hubeysan labo bam ku tuureen Hoy oo ay wada deggan yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federalka.
Qaraxaasi kadib, waxaa la maqlay Rasaas xooggan oo dhex martay Ilaaladda Mas’uuliyiinta iyo Kooxihii soo weeraray.
Iska horimaadkaasi waxa ku dhaawacmay dhowr ka tirsan Ilaaladdajoogtay Hoyga la weeraray.
Dhinaca kale, Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay in la qabtay 4 qof oo lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Kooxihii wax soo weeraray.
©Radio Dalsan