• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 9, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(Guux Taagan): Musharixiintii looga guuleystay doorashaddii Galmudug oo laga fekerayo in xilal loo dhiibayo

Dalsan Editor by Dalsan Editor
July 5, 2015
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
4
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweyne C/kariim Xuseen Guuleed oo hoodo u helay inuu noqdo Madaxweynihii ugu horreyey ee Dowlad-gobaleedka Galmudug ee curdanka ah ayaa waxa uu bilaabay inuu ka fekero Dhismaha Golaha Wasiiradda ee uu dhawaan ku dhawaaqi doono.

Madaxweyne Guuleed ayaa la sheegay inuu ka baaraan-degayo inuu Mushaarixiintii uu kaga guuleystay Doorashaddii Madaxtinimadda ku soo biiriyo Dowladda uu dhisayo, waxayna La-taliyayaashiisa u guuxeen ra’yigaasi.

Ilo xog-ogaal ah ayaa waxay ishaarayaan inuu qorshahaasi weli u baahan yahay La-tashiyo dheeraad, inkastoo lagu han weyn yahay in lagu saleeyo Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha ku mideysan Dowlad-gobaleedka Galmudug.

Ma kala cadda xilalka uu u qoondeynayo Musharxiinta uu ka fekeray inay Maamulkiisa ka mid noqdaan, waxaase la hadal-hayaa inuu Wasiirka Arrimaha Dibedda u dhiibi doono Axmed C/salaam Xaaji Aadan, iyadoo Jeneral Cabdi Qeydiidna loo qorsheynayo in laga dhigo Wasiirka Arrimaha Gudaha, inkastoo xilkaasi ay u xusul-duubayaan Beesha Wacaysle oo iyagu dhul ballaaran ka degga dhul-deexeedka Galgaduud.

Wasiirka Ammaanka iyo Dhaqan-celinta Maleeshiyooyinka  ee Dowlad-gobaleedka Galmudug ayaa la hadal-hayaa in loo dhiibi doono Musharax Xasan Maxamed Nuur “Qalaad”, halka Wasiirka Maaliyadda iyo Iskaashiga Caalamigana la hadal-hayo in loo magacaabi doono Axmed Macallim Fiqi.

Taabagelinta Shaxda hordhaca ee la hadal-hayo ayaa u baahan inay oggolaadaan Beelaha Musharixiintaas iyo kuwa kale, waaba haddii uu Madaxweyne Guuleed uu guddoonsado arrinkaasi.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inaysan wax fudud ahayn in la dhiso Xukuumadda Galmudug, iyadoo aan lagala tashanin Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha ku mideysan Maamulka Galmudug.

Dhaqan-yaqaanadda Beelaha iyo Siyaasiyiinta damaca kaga jiro Xukuumadda cusub ayaa waxay ku jiraan Xisaabtan hoose, iyagoo indhaha ku haya isla markana gorgortan ka gelayo qaabka loo qeybsan doono Xilalka muhiimka ee Wasaaradaha.

Madaxweyne Guuleed waxaa ku haboon inuusan ku il-duufin kuna sal-fududaanin Dhismaha Xukuumadiiisa, waana inuu maanka ku hayo inay Beelaha wada deggan Goballadda Dhexe doonayaan iska dhex arkaan Masraxa Dowladda Galmudug.

Waxaa hubaal ah inay beel kasta u xusul-duubayso inay maqaan fiican ka helaan Dowladda, waana dhaqan Soomaalida lagu bartay inay ku hal-qabsadaan “Looma Dhamo iyo Waan qaadacnay, haddii ay iska waayaan Maamul kasta oo la yegleelayo.

Madaxweynaha Galmudug  waa inuu si gaar ah ugu fekeraa Saami-qeybsiga Ahlu Sunna Wal-jameeca ka helayso Maamulkiisa, waxayna arrintaasi ku noqon kartaa Halxiraale Siyaasadeed oo quusin karta ama najaxin karta Maamulkiisa.

Madaxda Ahlu Sunna Wal-jameeca waxaa iyagana la gudboon inay ka tanaasulaan Maamulka laga dhisayo Dhuusamareeb oo u muuqda mid loogu talagalay in lagu gorgortamo ama lagu dhiciseeyo Maamulka Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, haddii uu Madaxweyne Guuleed go’aansado inuu Musharixiintii uu ka guuleystay ka mid noqdaan  Maamulkiisa waxay taasi u noqon kartaa Sumcad Dimuqraadiyadeed iyo in loo arko Hoggaamiye aan caddow u arkin musharixiinta isaga la loolantay, iyadoo la og yhaay in kharaj iyo waqti lagu bixiyey doorashadda Madaxtinimadda Galmudug.

© Qeybta Faallooyinka ee Radio Dalsan

Previous Post

Dhageyso: Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan

Next Post

Somali government calls on Ahlu Suna movement to end disagreement through talks

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Trump oo Qasa u Wado Maamul KMG ah oo Mareykan Hoggaaminayo
Caalamka

Trump oo Qasa u Wado Maamul KMG ah oo Mareykan Hoggaaminayo

May 8, 2025
DFS oo Maamul Cusub ka Abaabuleysa Jubbaland
Warar

DFS oo Maamul Cusub ka Abaabuleysa Jubbaland

May 8, 2025
“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”
Warar

“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”

May 7, 2025
“Shirka Xisbiga Caddaaladda oo Hakad Ku Yimid
Warar

“Shirka Xisbiga Caddaaladda oo Hakad Ku Yimid

May 7, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah
Warar

Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah

May 7, 2025
Next Post

Somali government calls on Ahlu Suna movement to end disagreement through talks

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

by Ilhaan
May 8, 2025
0

kulanka 11-aad ee Guddiga joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa...

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

by Liban
May 8, 2025
0

The Federal Government of Somalia (FGS) has unveiled a contentious plan to establish a new autonomous administration in Jubbaland, in...

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

by Dalsan Editor
May 8, 2025
0

The National Consultative Council (NCC) released an official communiqué on Wednesday evening following the conclusion of its recent summit held...

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

by Dalsan Editor
May 8, 2025
0

Former Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has strongly criticized President Hassan Sheikh Mohamud, accusing him of sabotaging the National Consultative...

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions
English News

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu
English News

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum
English News

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and UK discuss enhancing Defence Partnership
English News

Somalia and UK discuss enhancing Defence Partnership

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Swedish Police Train Somali CID Officers in Forensic Crime Scene Investigation
English News

Swedish Police Train Somali CID Officers in Forensic Crime Scene Investigation

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
  • Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions
  • National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu
  • Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00