Ciiddankaasi ayaa waxay bedelayaan Guutadda 34-aad ee Ciiddankaasi oo dhamaystay Hawlgal ay muddo hal sanno ah ku joogeen Somalia, iyagoo qeyb ka ah Hawlgalka Somalia.
Taliyaha cusub ee Ciiddankaasi, G/le Leonidas Nsingirankabo ayaa sheegay inay Ciiddankiisa diyaar u yihiin La-dagaalanka Alshabaab iyo inay Dadka Soomaalida kala qeyb geli doonaan soo-celinta Deganaanshaha Somalia
Waxa uu xusay inay Ciiddankiisa yihiin kuwa Asluub leh, isla markaana dhowri doona Sharuucda Caalamiga ee Xilliga Dagaalka, waa sida uu hadalka u yiri.
Dhinaca kale, Taliyaha Guutadda 34-aad ee Burundi, G/le Sylvain Kinigi ayaa sheegay inay dhamaysteen Hawlgalkooda, isla markaana ay door ballaaran ka qaateen dadaalka Deganaanshaha Somalia, isla markaana ay Alshabaab kala wareegeen qeybo ka mid ah Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.
Ciiddanka Nabad-ilaalinta Burundi waxay ka hawl galaaan Qeybta 5-aad ee ee Hawlgalka AMISOM ee Goballadda Sh/hoose iyo Dhexe, wuxuuna Saldhigooda Dhexe ku yaalla magaalladda Jowhar.
©Radio Dalsan