(DHAGEEYO):- Muruqmaalka Dekedda Muqdisho oo Maanta Dhigay Banaabax Cabasha Ah.

Boqolaal katirsan muruqmaalka iyo xoogsatada dekedda muqdisho ayaa maanta dhigay banaanbax ballaaran oo ahaa laba waji marna ay ku taageerayeen madaxweyne Farmaajo marna ay ku muujinayeen cabasho ay ka qabaan maamulka dekedda Muqdisho oo ay sheegeen in xaqii ay lahaayeen ladudsiiyey.

Banaanbaxayaasha ayaa watay sawirada madaxweynaha iyo boorar ay ku xardhanyihiin erayo taageera ah waxaana horkacayey masuuliyiintooda kala ah gudoomiyaha muruqmaalka Khaliif Maxamuud Ugaas, Ku xigeenkiisa Yuusuf Warsame Afrax iyo gudoomiyaha majakuusiga dekedda muqdishso Maxamuud Cusobow waxaana afaafka hore ee dekedda uu ka dhacay bananabaxaas ay kula hadleen warbaahinta.

Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Codadka Masuuliyiinta.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media