Kulankii Golaha Shacabka ayaa Goordhow lasoo gaba gabeeyay,iyada oo dood iyo muran uu ka dhashay Warbixintii Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ee Eedeynta loogu jeediyay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.
Xubno ka mid ahaa Guddiga Maaliyadda ayaa isku-khilaafay Warbixinta,iyaga oo qaarkood sheegay in aan waxba lagala socod-siin Warbixintii ay Guddiga soo saareen.
Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka hor hadlay xildhibaanada ayaa sheegayย in marnaba uusan ogolaan doonin in hantida qaranka lagu takri falo,waxana uu sheegay in isaga lagu heysto Mashruuc ii fuli.
Wasiir Beyle iyo ku xigeenadiisa ayaa aad u eedeeya Xildhibaanadii Warbixinta soo diyaariyay,waxaana ay sheegeen in qaarkood laga joojiyay qandaraasyo gaar ah oo ay lahaayeen.
Gaba-gabadii Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka oo Maanta kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in warbixintii Guddiga ay aheyd mid qaldan,isla markaana aan soo marin habraacii loo baahnaa.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Shacabka Soomaaliyeed ayuu ka raali geliyay Warbixintii Guddiga in la hor-keeno Golaha Shacabka,iyada oo aan la soo mariin Guddiga joogtada iyo Guddoonka Golaha Shacbaka.
โGuddiga Maaliyadda waa guddi shaqa badan hadane duleel ayaa ka yimid,waxayna Guddiga Warbixinta keenay ay sheegeen inay ku wada hadleen Whatsap-ka,hayeeshee Baarlamaanku masheegin la la lunsaday $40 Milyaan,sidaaasi darteed kulanka golaha Shacabka wuu xiran yahay ayuu yiri guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad.