Madaxweynaha SOomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmahaan booqasho ku maraya deegaanAda Bari ee Soomliland ayaa Maanta tegay Magalada laas-Caanood ee Xarunta gobolka sool.
In kastoo siweyn loo soo dhaweeyay ayaa hadana Magalada laas-Caanood waxaa ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday imaanashaha Madaxweyne Muuse Biixi ee laas-Caanood.
Qaar ka mid ah Shacabka ayaa dhigay banaanbaxaas,iyaga oo Wadooyinka qaarkood ku xiray Taayaro ay gubeen,waxaana ay ku dhawaaqayeen Erayo ka dhan ah Madaxweyne Muuse Biixi.
Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa rasaas ku riday dadka bananaanbaxa dhigayay,in kastoo aysan khasaaro geysan hadana Ciidamadu waxa ay xabsiga dhigeen tiro dad oo ka mid ahaa banaanbaxayaasha.