Tan iyo Burburkii Dowladdii Kacaanka ilaa iyo Xilligan, waxaa meesha ka baxday Hawlihii Wakaalladdii Xogga Korantadda Ummadda ee ENEE (WXKU), waxaana soo baxay Shirkado Gaar loo leeyahay oo dusha u ritay Adeeggii Korantadda ee Gobalka Banaadir iyo Goballadda kale.
Shirkadahaasi ma laha Qalab Casri ah, mana laha Caymis iyo mag-dhow ay ka bixiyaan Qalabka ku gubta Korantadooda aan Halbeegga Qiyaasan lahayn.
Had iyo jeer waxaa la maqlaa Dab ka kacay Suuq, Goobo Ganacsi iyo Dhismooyin la deggan yahay, kaasi oo geysta khasaaro isugu jira naf iyo maal.
Marka baaritaan lagu sameeyo waxa uu ka dhashay Dabkaasi waxaa si fudud loo sheegay inay Cillad Koronto ka dhalatay Dabka sababa khasaaraha xooggan.
Dabkii ugu dambeeyey ee bishii February 27-dii ka kacay Carwadda Al-khaliifa ee Suuqa Bakaaraha waxaa la sheegay inuu dabku ka kacay Koranto, wuxuuna dabkaasi baabi’iyey goobo Ganacsi, waxaana khasaaraha hantida ku baaba’day lagu sheegay ilaa 4 million oo Dollar.
Waana calool-xumo iyo dhibaato inteeda leh, waxaana ku hanta-beelay Ganacsato kala heer ahaa.
Haddaba, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku amray Madaxda Shirkadaha Adeegga Korantadda Bixiya ee BECO, Blus Sky iyo Mogadisho Power inaysan wax Baalal ah Korantadda soo marsiin karin, loona baahan yahay inay Korantadda marsiiyaan dhulka hoostiisa.
Waxa kale oo uu ku booriyey inay midoobaan, si ay taasi u abuurto Jawi Deggan iyo Hawl Hufan oo Badbaado leh, inkastoo ay Madaxda Shirkadahaasi ku adag tahay inay Hal Shirkad ku midoobaan, si loo helo Koranto qiimaheedu jaban yahay oo leh inkaniyaadkii Bad-qabka.
Khubarada ku takhasustay Korantadda ayaa rumeysan in loo baahan yahay inay Dowladda Dhexe dib u hawl-geliso Wakaalladdii Korantadda ee ENEE, si looga gudbo Shirkadaha haatan Caymis la’aanta shaqeeya.
©Radio Dalsan