Sawirro:-Somalia iyo Shiinaha oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Faarax ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Qin Jian.

Kulanka ayaa la iskula eegay xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah iyo qaabkii lagu horumarin lahaa.

Xoghayaha Joogtada, oo uu wehliyay Safiirka Shiinaha iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Asia ayaa waxa ay kormeer ku sameeyeen dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ku socda dayactir ballaaran iyo qalabayn tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe 26-kii January, 1991.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media