Guddoomiye Aadan Madoobe oo beeniyay Warka la faafiyey ee la xiriira Fahad Yaasiin

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe uu ku dhawaaqay in Fahad Yaasiin uu yahay Xildhibaan rasmi ah, ayna sharci aheyd doorashadii uu kusoo baxay kursiga Hope #086, balse Guddoomiyaha ayaa Warkaas ka hadlay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxaa lagu beeniyay wararka lagu faafiyay baraha Bulshada ee lagu sheegayay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu sharci ka dhigay doorashadii uu kusoo baxay Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

“Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu si cad u beeninayaa Warqad been abuur ah oo lagu baahiyay Baraha Bulshada, taas oo ku saabsan kursiga Hope #086, Shacabka Soomaaliyeed haka digtoonaadaan warqadaha noocan oo kale ah” ayaa lagu  yiri Qoraalka Guddoomiyaha.

Sdioo kale Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay digtoonaadaan warqadaha been abuuurka ah, wuxuuna intaas kusii daray inay socdaan baaritaano uu sameeynayo Xafiiska Guddoomiyaha, isla markaana cid calaa cidii Ka dambeysay falkaan lagu faafiyay warqada lala tiigsan doono sharciga.

Guddigii doorashooyinka heer Federaal ee ka shaqeynayey arrimihii doorashada kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci darro ka dhigay doorashadii uu kusoo baxay Fahad Yaasiin ee loogu doortay Hope #086, taasi oo ka dhacday magaalada Baladweyne.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor