Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la yeeshay Madaxweyneyaasha Kenya & Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka ayaa kulan doceedyo la qaatay dhigiisa dalka Uganda Yoweri Museveni iyo Kenya William Ruto.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyneyaasha Uganda iyo Kenya xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo xusay guulaha wax ku-oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada.

Dhankooda, Madaxweyneyaasha dalka Uganda iyo Kenya ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muujiyey kartida iyo awoodda ay u leeyihiin dowladda iyo shacaka Soomaaliyeed, waxa ayna adkeeyeen taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Yoweri Museveni iyo Madaxweyne William Ruto ayaa xoojiyey xiriirka taariikhiga ah ee dalalkoodu ay la leeyihiin Soomaaliya iyo doorka ay ku leedahay xasilloonida gobolka.

Labada Madaxweyne ayaa xusay muhiimadda ay leedahay fulunta qorsheyaasha lagu soo bandhigay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka, iyadoo dowladda Soomaaliyeed ay gudbisay qorsheheeda ku aaddan isbeddelka cimilada, dowladda wanaagga, xasilloonida Qaaradda Afrika, gurmadka degdegga ah iyo la dagaallanka Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor