Faah faahin kasoo baxeysa Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed oo shalay fal dhaawac ah loogu geystay gudaha Koonfur Afrika ayaa u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray weerar kooxo hubeysan oo burcad ahaa ugu geysteen goob dukaan uu ku sugnaa, sida ay ku warrameen dad Soomaali ah.

Allaha u naxariistee Muwaadinka Soomaaliga ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ismaan Maadeey Maxamed, wuxuuna kamid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee goobaha Ganacsi ku leh dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee Gobolka north west Mostapha Shirwac ayaa xaqiijiyay inuu Ismaan Maadeey u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray rasaas ay ku dhufteen burcad hubeysan, kuwaasi oo falka ka dib ka baxsaday goobta.

Guddoomiy Shirwac  ayaa tacsi u diray qooyskii iyo eheladii iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Muwaadinka Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa uu laamaha amniga ee dowladda ee deegaanka Damonsville ee Koonfur Afrika uu ku wargaliyey falka dilka ee loo geeystay muwaadinka Soomaaliyeed iyo dhaca dukaanka.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal inta badan dhibaatooyin kala duwan loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku leh goobaha Ganacsi, mana jirto cid iska xil-saartay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka soo noq-noqday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor