Shir sannadeedka 41-aad ee Ururka ay ku mideysan yihiin Bangiyadda Dhexe ee dalalka Afrika (The Association of African Central Banks) ayaa la filayaa inuu bishan Ausgust 5-da ka furmo magaalladda loo dalxiiso tago ee Sharma Sheekh ee dalka Masar.
Kulankaasi oo socon doona 4 maalmood waxay Ka-qeybgalayaasha diiradda ku saari doonaan Horumarinta Iskaashiga u dhexeeya Bangiga Dhexe ee Masar iyo kuwa dalalka Afrika, Deganaanshaha Maaliyadda iyo Siyaasadda Lacagaha iyo Horumarinta Maaliyadeed ee Qaaradda Afrika.
Ururka ay ku mideysan yihiin Guddoomiyayaasha Bangiyadda dhexe ee dalalka Afrika waxaa lagu asaasay Shirweyne ay Madaxda Waddamadda Afrika ku yeesheen magaalladda Addis Abeba ee dalka Ethiopia bishii May 25-dii ee sannadkii 1963-kii lagu asaasay.
Shinaca kale, Somalia oo xubin ka ah Ururka Guddoomiyayaasha Bangiyadad dhexe ee Somalia ayaa waxaan la ogeyn inuu Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia lagu casuumay iyo in kale, wuxuuna Kulankaasi ku soo begmayaa iyadoo ay Wasaaradda Maaliyadda DFS iyo Bangiga Adduunka iyo Hay’adda IMF ka fekerayaan sidii Lacago Shillin Soomaali ah loo soo daabici lahaa.
Wasaiirka Maaliyadad ee Xukuumadda Federalka, C/raxmaan Ducaale Bayleh waxa uu bartamihii bishii hore ee July soo bandhigay Naqshad ka mid ah Muunadda Lacagaha Shillin Soomaaliga ee la soo daabici doono.