Waxaa Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ka socda Kulanka Golaha Shacabka,waxaana maanta hortegay Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee(JUS).
Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) Prof Maxamed Axmed Jimcaale ayaa sheegay inay jiraan i kuliyado muhiimka ah oo u xayiran dhaqaala la’aan awgeed,kuwaas oo uu ku kala sheegay.
1 Kuliyadda Daawada
2 Kuliyadda Culuumta Badda
3 Kuliyadda Tiyoolajiyada iyo Kiimikaddda.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa hadalkiisa inyaasi ku daray in ay codsadeen miisaanid gaareysa 5 milyan,hayeeshee ay malqeen in loo qoondeeyay 3.5 Milyan, oo doolar, Baarlamaanka ayuuna ka codsaday inay caawiyaan.
Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay ka caawisay inay aruuriyaan dhamaan sharciyadii uu lahaa dalka,,isla markaana ay muhiim tahay in la caawiyo.