Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland waxaa Maanta gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Wafdiga ayaa waxa Garoonka Diyaaradaha Magalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland,Kuxigeenkiisa iyo Xubno kale oo ka tirsan Maamulkaas.
Soo dhaweyn kadib Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa waxaa haatan kulan gaar ah uu uga socdaa Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.