Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo Warbixin ka dhageystay Guddiyo

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo  Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame  ayaa manta kulan gaar ah la qaatay Guddiyadii gaarka ah ee Goluhu u-xil-saaray arrimaha Garsoorka iyo natiijadii La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kal-fadhiga 50-aad.

Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiyada, taas oo ku saabsan shaqadii loo xil-saaray iyo halka wax u marayaan,wuxuuna uga mahadceliyey sida ay isaga xil-saareen hawshan baaxadda leh iyo wixii uga qabsoomay.

Ugu dambeyntii,  waxaa la go’aamiyey in la fadhiisiyo Golaha Wakiilllada si loo soo geba-gebeeyo hawlaha  qabyada ka ah Golaha Kalfadhiga 50-aad, sidaas daraadeed waxaa la isla qaatay in  maalinta Isniinta ee 26 Sep, 2022 uu Goluhu dib u fadhiisto haddii Alle Idmo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor