Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa goordhow waxa ay gaareen Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Wafdiga ayaa waxaa kamid ah labaad ee  Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale,waxaana Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Jowhar.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa lagu wadaa in uu maanta Jowhar ka furo Kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo bilooyinkii dambe fasax ku maqnaa.
Qaban qaabada munaasabada Furitaanka 4aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa hadda waxaa ay ka socotaa Howlka ay ku Shiraan Xildhibaanada Hirshabeelle ,iyadoona halkaasi ay ku sii qul qulayaan Wafuud Caalami ah.
Ammaanka Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa maanta si weyn loo adkeeyay,waxaana sugida Amniga iska kaashanaya Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle.