Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay weerar iyo qaraxyo is xig-xigay lagu qaday Hoteelka Elite, kaas oo wali la maqlayo rasaas ka dhacaysa gudaha Hoteelka.
“Allaha u naxariisto dadkii qiimaha badnaa ee galabta cadowgu ku gumaadeen xeebta Liido, gaar ahaan EliteHotel, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo. Waa ayaan darro weyn in maalin walba aan lumino dadkeenii qiimaha iyo waxgalka lahaa” ayuu yiri Taabid Cabdi.
Isagoo soo hadlayay Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir waxaa uu yiri: ”Waxaa muuqata in bishan ay Al-shabaab xoojisay gummaadka shacabka iyagoo ka faa’iideysanaya firaaqa siyaasiga ah iyo duruufaha marxaladda kala guurka ah. Hay’addaha amniga ee Dowladda waxaa ka muuqata habacsanaan xoog leh & qorshe xumo.
Al-shabaab kama daallaan shirqoolka shacabka, laakiin waxaa muuqata in Hay’addaha amniga ka gaabiyeen difaaca shacabkeenna, taas oo ka dhigan mas’uuliyad darro iyo rajo beel”.
“Dowladdu waa in ay xil weyn iska saartaa badbaadinta shacabka, wiliba xilligan kala guurka ah, waana iney mas’uuliyadda cidu qaadataa. Sidookale dadka reer Muqdisho ee maalin walba dhib u joogga ah, gaar ahaan ganacsatada, dhaqanka iyo wax-garadka waxaa la gudboon iney hurdada ka toosaan oo ay kaalin ka qaataan xaqiijinta ammaanka magaaladooda”.