Koox Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay xalay waxaa ay Xaafad ka tirsan Magaalada Cape-Town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada kunool halkaas.
Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Ganeey, waxaana dilkiisa uu ka dhacay Xaafad isku raran ah oo lagu magacaabo kaliija oo ka tirsan Magaalada Cape-Town.
Mid kamid ah dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu sheegay in Marxuum Cabdullaahi Ganeey uu kamid ahaa dhalinyarada firfircoon ee kunoolaa Xaafadda xaafadda kaliija, isagoona ku lahaa goob ganacsi.
Dilka Koonfur Afrika ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee goobaha ganacsi ku leh dalkaas, iyadoona sanadkaan 2020 Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadiniin dhowr ah oo Soomaali ahaa.