Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa aad u cambaareeyay Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Degmada Waaberi ee ku yaalla wadada maka Al-mukarama.
Guddoomiye Cumar ayaa Tacsi u diray qoysaska, Taliska Booliska iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka baxeen Saraakiishii lagu dilay weerarkaasi dhacay, xili ay ku sugnaayeen gudaha Saldhiga, uuna isku qarxiyey qof isa-soo miidaamiyey.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu Alle baryay Saraakiisha, Askarta iyo Shacabkii ku dhaawacmay weerarkaasi in uu Caafimaad deg-deg ah siiyo, kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo Xarumo Caafimaad.
Duqa Muqdisho ayaa falkaan ku tilmaamay mid Argagixisimo oo dhacay, iyadoo lagu jiro bil barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna sheegay inay ka xun yihiin falkaas oo ay ku geeriyoodeen Saraakiil ka tirsaneyd Ciidanka Booliska dowladda.
Guddoomiyaha Gobolka Cumar Finish ayaa markale ugu baaqay Shacabka in ay ka feejignaadaan qatarta wax loogu yeero Argagixisada, isagoo sheegay in sida kaliya ee loogu guuleysan karo ay tahay in loo midoobo la dagaallanka Al-shabaab.
Inta la xaqiijiyay 6 qof ayaa ku geeriyooday qaraxii Is-miidaaminta ahaa eek a dhacay Muqdisho oo ay ku jiraan Taliyihii Booliska degmada Waaberi, Taliye ku-xigeenkii qeybta Weliyow Cadde iyo Saraakiil kale, waxaana ku dhaawacmay 6 qof kale.
Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas lagu weeraray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda, iyagoona sheegay inay ku dileen Taliyihii Booliska Waaberi Axmed Cabdullaahi Baashane iyo ku-xigeenkii Booliska qeybta Waliyoow Cadde, ayna ku dhaawaceen Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.