Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaab waxaa ay saacadihii lasoo dhaaafay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.
Howlgalka ayaa si gaarka ah kaga dhacay deegaanka Sulaay ee hoostaga degmada Maxaas ee Hiiraan halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.
Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad Kornel Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa warbaahinta u sheegay in inta howlgalka uu socday lagu dilay xubno Al-shabaab oo ay joogay wadada xiriirisa Coomaad iyo Maxaas, waa sida hadalka loo dhigay.
Sidoo kale Taliye Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay ayaa tilmaamay inay howlgalka sii wadi doonaan, isla markaana ay ku doonayaan inay ku tegaan deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Ciidamada dowladda Federaalka ayaa dhowr jeero howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab ka sameeyay Hiiraan, waxaana xusid mudan in dhinacyada ay dhexmareen dagaalo kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.