Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Digniin cusub kasoo saartay roobab dabeylo wata oo kusii wajahan deegaanada Maamulkaas, xili haatan Gobolka Shabeellaha Dhexe uu fatahaadv xoogan ka sameeynayo Webiga.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in roobab xoog leh oo dabeylo wata ay ka di’i doonaan deegaanada Maamulka, isla markaana loo baahan yahay taxadar dheeraad ah.
Wasaaradda ayaa sigaar ah u tilmaamtay in roobab ay ka di’i doonaan inta badan deegaanada Webiga Jiinkiisa iyo dhulka dooxooyiinka, waxaana dadka degan halkaas ugu baaqday inay ka feejignadan khadarta ka dhalan karta roobabka.
“Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle waxay kadigeysaa Roobab Dabeylo wata oo ka di’i doona Deeegaanada Hirshabelle. Roobabka iyo Fatahaadaha waxay inta badani kadi’i doonaan Deegaanada Wabiga Jiinkiisa iyo dhulka dooxooyiinka” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.
Digniinta Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Hirshabeelle ayaa kusoo aadeysa, iyada uu maalmihii laso dhaafay fatahaad xoogan uu webiga Shabeelle ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, uuna baabi’iyay dhul beereedyo farabadan.
Deegaanada Maamulka ayaa waxaa sidoo kale ka da’aya roobab mahiigaan, waxaana sidaas fatahaad hor leh ku sameeyay Webiga, iyadoon qoysas farabadan ay barakaceen guryihii ay deganaayeen, kadib biyo badan oo ka galay.