Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ee dowladda Hirshabelle Muuse Salaad Weliye ayaa ka amba-baxay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulkaasi.
Guddoomiyaha oo safar dhanka dhulka ah uga soo amba baxay Jowhar ayaa gaaray magaalada Beledweyne, waxaana Guddoomiyaha cusub galbinayaygaadiid dagaal iyo Ciidamo uu watay.
Sida ila-wareedyo ku dhaw ay sheegayaan Guddoomiyaha Cusub ee dhawaan loo magacaabay Magaaladaas ayaa watay ku dhawaad 20 gaadiidka dagaalka, waxaana uu degay sida wararku sheegayaan Hoygiisa oo ku yaalla magaalada Beledweyne.
Magaalada Baladweyne e Xarunta Gobalka Hiiraan ayaa dhawaanahaan waxaa ka taagnaa xiisado siyaasadeed oo iska soo hor jeeda, iyadoo gudaha magaalada ay ku dagaalameen Ciidamo taabacsan maamulka Hirshabeelle iyo kasoo horjeeda.