Cismaan Barre Maxamed Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aaddan uu gaaro Magaalada Jowhar ee Caasimadda Gobolka Shabeellaha dhexe.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Cismaan Barre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayย ku wajahan yihiin jowlhar, iyadoo Guddoomiyuhu uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho oo in muddo ah uu ku sugnaa, waxaana socda qaban qaabada socdaalkiisa sida ay sheegayaan warar hoose oo aan helayno.
Socdaalka Guddoomiyaha ayaa waxaa ku weheliya Xubno ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Masโuuliyiin kale kuwaas oo qayb ka ah safarka Guddoomiye Cusmaan Barre.
Cismaan Barre Maxamed ayaa ku dhawaad lix bilood waxaa uu joogay Magaalada Muqdisho, waxaana hadda lagu wadaa in uu jowhar ka dego.
Maamulka Hir-shabeelle ayaa waxaa ka socda Qaban qaabada doorashada la filayo in ay dhawaan ka dhacdo Maamulkaasi, waxaana guddiga soo xulista Xildhibaanada ay billaabeen howlahooda iyo wali socoto soo xulista Xildhibaanada 2aad ee maamulkaasi.