Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa kulan gaar ah la yeeshay James Swan,isla markaana waxaa ay ka wada hadleen arrimo kala duwan,waxaana kulanka qeyb ka ahaa xubno ka tirsan Aqalka sare ee Dalka.
Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xaalada Guud ee Dalka,iyo tan Dowlad Goboleedyada iyo doorashooyinka dhawaan ka dhacayo Dowlad Goboleedyada,isla markaana waxaa uu Guddoomiyaha Aqalka Sare ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa dhawaan James Swan u soo magacaabay inuu noqdo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.