Guddoomiyaha Aqalka Sare oo daah furay Madasha Aqoon-isweydaarsiga

Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa daah furay Madasha Aqoon-isweydaarsiga Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaannada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya.

Aqoon-isweydaarsigan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa ujeedadiisa ugu muhiimsan waxay tahay in kor loogu qaado aqoonta iyo qibradda Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaannada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaaahi oo furay kulan aqoon isweydaarsiga ah ayaa sheegay in loo baahan yahay in la wada shaqeeyo xogna la isasiiyo si wadajirna la isku kaashado.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media