C/raxmaan C/Shakuur oo kulan la qaatay  ergayga gaarka ee QM

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna Hoggaamiyaha Xisbiga iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan Ambasador James Swan ayaa kulan gaar ah waxaa ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho, waxaana kulanka looga hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa ay si gaar ah uga hadleen heshiiskii laga gaaray Doorashooyinka iyo kaalinta ay QM ka qaadan karto fulinta heshiiska.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa kulanka kadib qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in ay si weyn iskula meel dhigeen dhammaan qodobada ay ka wada hadleen.

“Waxaan galabta kulan wada qaadanay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan Ambasador James Swan. Waxaan ka wada hadalnay aragtideena ku aadan heshiiskii laga gaaray Doorashooyinka iyo kaalinta ay QM ka qaadan karto fulinta heshiiska” ayuu yiri CC Shakuur.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa horay kulamo ula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qaar ka mid ah madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaana dhawaan uu kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media