Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed aya si kulul uga hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay guddoomiyaal degmo agaasimayaal sidoo kalana lagu dhaawacay masuuliyiin kale kuwaas oo shir uu uga socday hoolka shirarka ee xarunta maamulka gobolka Banaadir.
“Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii maanta lagu laayay qaraxaas. Naxariistii janno Allaha ka wada waarabiyo, samir iyo iimaanna Allaha naga wada siiyo. Waxay ahaayeen indhihii bulshada iyo adeeggayaal qaran”
Gurmad iyo duco ayaa nala wada gudboon dhamaanteen. Caafimaad deg deg ah Allaha siiyo walaalkeen Gud. Cabdiraxman Cumar Cisman iyo dhamaan dhaawacyada kale.