Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxeya qarax is miidaamin ah oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay hoolka Shirarka xarunta maamulka Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho kaas oo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawc oo soo gaaray guddoomiyaal degmo iyo Agaasimayaal.
Masuuliyiinta la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxaas waxaa ka mid ah.
1 Gudoomiyihii degmada Cabdi casiis, Sabaax Cabdullahi Asad
2 Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi
3 Guddoomiyihii degmada Shangaani Sahra Markeyzi
4 Agaasimihii Nadaafadda gobolka Banaadir, Cabdifataax Cumar Xalane
5 La-taliyihii dhinaca sharciga ee duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Sabriye
6 Agaasimaha qorsheynta deegaanka dowladda hoose, Ijineer Shuuriye.
7 Agaasimahii Shaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir, Cabdullaahi Dheere.
Guddoomiyaasha iyo agaasimayaasha dhaawacmay waxaa ku jira
1 Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo lagu dabiibayo mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho
2 Guddoomiyaha degmada Warta-nadda Seynab Maxamuud Warsame oo dhaawac uu ka soo gaaray
3 Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir.
4 Agaasimaha Xiriirka degmooyinka, Dhega Cadde,masuuliyadda weerarkaan waxaa sheegtay Alshabaab oo sheegay in bartilmaameedkoodu uu ahaa wakiilka QM oo maanta duqa Muqdisho uu gelinkii hore uu ku qaabilay xarunta dowladda hoose ee Xamar.