Guddiyada Doorashooyinka oo lagula dardaarmay in ay si daacad ah u gutaan shaqooyinka horyaalla

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ayaa kula dardaarmay shaqooyinka horyaalla in ay si daacada u gutaan.

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa tilmaamay in tababarkan uu fududeynayo in si cadaalad oo aqooni ku dheehan tahay guddiga doorashada u guto waajibaadkiisa shaqo,islamarkaana doorashada u dhacdo si xor iyo xalaal ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo dhowaan howl-geliyey Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal ee Maamulka iyo Khilaafaadka ayaa la wadaagay muhiimadda ay leedahay masuuliyaddan taariikhiga ah ee ay guddiyadan ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed.

Comments
Loading...