Culimada Soomaaliyeed oo baaq u diray Musharxiinta Madaxweynaha iyo Dowladda dhexe

Shirka Muqdisho uga socda Masharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa uu marayaa meel xasaasi ah, iyadoo shirka ay ku biireen Odayaasha dhaqanka  iyo waxgaradka, waxaana sidoo kale qayb ka ah shirka oo aragtidooda ku biiriyay Culimada Soomaaliyeed.

Culimada oo qayb ka ah shirka sida wararku sheegayaan ayaa waxaa ay soo saareen Culimadu baaq ku aaddan doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo, waxaana ay ku baaqin in wax waliba lagu xaliyo wada hadal iyo isu-tanaasul.

Qoraalka ay soo saaren Culimada oo ka kooban Todobo Qodob ayaa waxaa talo soo jedin iyo baaq loogu diray madaxda doonaysa in u tar-tamaan Xilka madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasi oo intooda badani ay Muqdisho ku shirayaan, waxaana ay sheegeen Culimadu in wixii khilaaf ah oo ku saabsan arrimaha doorashada laga wada fariisto.

Hoos ka Aqriso Qoraalka ay soo saareen Culimadu

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media