Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Puntland oo Warbixin laga dhegaystay

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland , Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawlad Goboleedka Puntland ee Kalfadhiga 50-aad.

Guddoomiyaha ayaa warbixin uga dhageystay Guddiga, taas oo ku saabsan shaqada Guddiga kadib magacaabistii 25 Luulyo, 2022 taas oo Guddoomiyaha ku magacaabay Xeer Lr. 53 sida uu qabo Dastuurka  Puntland Qodobka 64-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 8-aad farqadda 11-aad.

Guddiga ayaa maalmaha soo socda lagu waddaa inay soo dhammeystiraan Xog-ururinta Natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha puntland ee Kalfadhiga 50-aad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor