Mareykanka oo diginin Culus soo saaray kadib dilkii Hoggaamiyihii AL-Qaacidda

Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ku boorrisay in ay ka taxaddaraan dhibaatooyin ay suurtagal tahay in lala beegsado dadka u dhashay Mareykanka, kaddib dilka hoggaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in dhimashada Al-Zawahiri ay horseedi karto in taageerayaasha Al-Qaacida ay bartilmaameedsadaan xarumaha Mareyknaka iyo ciidamadiisa.

“Wasaaradda arrimaha dibadda waxay rumeysan tahay suurtgalnimada xooggan ee rabshado ka dhan ah Mareykanka marka la eego dilka Ayman Al Zawahiri 31-kii July 2022” ayay sheegtay wasaaradda oo diginin caalami ah dirtay.

“Xogta hadda la helay waxay sheegeysaa in ururada argagixisada ay sii wadaan qorshaynta weeraro argagixiso oo ka dhan ah danaha Maraykanka ee gobollo badan oo caalamka ah,” ayay raacisay.

Wasaaradda arrimaha dibadda in ‘weerarada ay geysan karaan ay kamid yihiin kuwa ismiidaamin ah, dil qorsheysan, afduub iyo qaraxyo’.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanku uu duqeyn dhanka circa ah ku dilay hoggaamiyihii ururka Al-Qaacidda, Ayman Al-Zawaahiri.

Waxa uu sheegay in shakhsiyan isaga uu amar ku bixiyay hawlgalkaasi oo Sabtidii ka dhacay caasimadda dalka Afqaanistaan ee Kaabuul.

Madaxweyne Biden wuxuu sheegay in Ayman Al-Zawaahiri uu ahaa ku xigeenka Cusama Bin Laden isla markaana uu aad ugu lug lahaa weerarkii 11-kii Sebteembar 2001 lagu qaaday gudaha dalka Mareykanka, weerarkaa oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3,000 oo qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor