Maxay yihiin dhaliilaha loo jeedinayo Xukuumadda Cusub ee RW Xamse Barre?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shalay soo magacaabay Golihiisa Wasiirada Cusub,kuwaasi oo ku dhawaaqistooda si weyn loo sugayay Maalmahaan.

Xamse Barre ayaa soo Magacaabay Wasiiro, ku xigeennadooda iyo Wasiirudowlayaal, waxaana mar uu ka hadlayay munasabadda ku dhawaaqista uu shaaciyay in magacaabistiisa ku aaddan Golaha Wasiirada ay ku timid wadatashiyo badan oo uu la sameeyay qaynaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Balse durbadiiba waxaa soo baxay eedeeyn iyo dhaliilo culus oo loo jeediyay hannaanka magacaabista Xukuumadda Xamse.

Tan iyo markii shalay Galab lagu dhawaaqay Golaha wasiirada waxaa soo baxayay dhaliilo ay jeedinayaan siyaasiyiin iyo shaqsiyaad kale oo dalka horay xilal uag qabtay, kuwaasi oo durba dhaliilay hannaanka magacaabista ee uu sameeyay RW Xamse.

Eedaha ugu culus ee Dadka dhaliilsan Xukuumadda Cusub ayaa cuskanayaan ayaa ah qaabka awood qaybsiga, iyadoo ay Xusid mudan tahay in isla shalay uu mid ka mdi ah Xubnihii lasoo Magacaabay uu is Casilay, kadib markii uu sheegay in awood qaybsi ahaan uusan xilkaas ugu qalmin.

Si waliba Xukuumadda Cusub ee Xamse Barre ayaa waxaa kasoo muuqday shaqsiyaad saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya oo horay ugu jiray, shaqsiyaad kale oo ku Cusub Dowladda.

About Webmaster

View all posts by Webmaster