Guddigii doorashada ee Jubbaland, oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Axmed Madoobe, ayaa maanta si rasmi ah u wareejiyay feylasha xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Jubaland. Xubnahani waxay noqon doonaan kuwa metelaya beelaha ku dhaqan Jubaland ee ku jira Golaha Wakiillada Saddexaad.
Odayaasha dhaqanka ee beelaha dega Jubaland ayaa feylasha liiska xubnaha cusub si rasmi ah ugu wareejiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland. Kulanka wareejinta ayaa si gaar ah loogu qabtay magaalada Kismaayo, iyadoo odayaasha dhaqanka ee beelaha kala duwan ay ka soo qayb galeen.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland, Dr. Mursal Siyaad Maxamed, ayaa si rasmi ah ula wareegay feylasha xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada. Intii uu kulanku socday, odayaasha dhaqanka ayaa mid mid ugu wareejiyay xubintii uu matalayay, taasoo ka tarjumeysa beesha uu ka soo jeedo ee meteli doonta Golaha Wakiillada cusub.
Odayaasha dhaqanka ee maanta feylasha soo gudbiyay ayaa u sheegay warbaahinta in ay si buuxda u gutteen doorkii ugu muhiimsanaa ee dhismaha Golaha Wakiillada Jubaland, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka qaybqaataan dhamaystirka doorashada.
Doorashada Golaha Wakiillada Jubaland ayaa dhawaan lagu wadaa in ay dhacdo, iyadoo la filayo in diyaar garawgii ugu dambeeyay uu socdo. Guddiga doorashada Jubbaland ayaa ku howlan qorsheynta iyo hirgelinta doorashada, si loo hubiyo in ay dhacdo si nabad ah oo cadaalad ah.