Guddiga A/Gudaha ee Golaha Shacabka su’aalo weydiiyay Agaasime Koofi

Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka Baarlamanaka ayaa kulan kula yeeshay xarrunta Villa Hargeysa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Ajendaha kulanka ayaa ahaa katashiga Sharciga Socdaalka oo horyaala Guddiga.

Agaasime Koofi ayaa guddiga sharaaxaad ka siiyay ahmiyadda uu leeyahay sharciga Socdaalka. Xubnaha guddiga ayaa agaasimaha weydiiyay su,aalo la xarriiro sharciga Socdaalka.

Kusimaha Guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xildhibaan Maxamed Cabdulle faarax (Geesey) ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Col.Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) sharaxaada uu guddiga ka siiyay sharciga Socdaalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media