Nin Fal ka geystay Dhuusamareeb oo gacanta lagu dhigay

Taliska Ciidanka Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa faah faahin ka bixiyay fal dhaawac oo xalay gudaha Magaaladaas loogu geystay Nin shacab ah kana mid ah dadka muruq maalka ah ee halkaas kunool.

Taliyaha Booliska Dhuusamareeb Nuur Cilmi Maxamed ayaa sheegay in Nin ku hubeysan tooreey uu fal dhaawac ah u geystay Nin lagu magacaabo Maxamed Saciid Xaashi oo muruq maal ah, kadib markii muran la xiriira lacag uu soo kala dhex-galay.

Waxaa uu sheegay Taliye Nuur Cilmi oo warbaahinta la hadlay in markii hore uu baxsaday Ninkii dhaawaca geystay, hayeeshee Ciidanka amniga howlgal ay sameeyeen lagu soo qabtay ninkaas.

Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha Ciidanka Booliska Dhuusamareeb ayaa waxaa uu tilmaamay in Maxamed Saciid toorey dhowr ah lagu dhuftay, ayna haatan wanaagsan tahay xaaladiisa Caafimaad oo lagu geeyay Isbitaal.

Maxamed Saciid iyo ninkii dhaawaca u geystay ayaa ahaa labadooda shaqo wadaag, iyagoona ah muruq maal, hayeeshee ay isku qabsadeen lacag, balse markii dambe Maxamed lagu weeraray tooteey oo dhaawac uu kasoo gaaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media