Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Dawlad Goboleed Puntland Cabdirisaaq Xiddig Warsame ayaa shir-guddoomiyey shirka cayimidda Hawl-maalmeedka shaqo ee Kalfadhiga 47-aad kaas oo lagu waddo inuu furmo dhawaan.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Agaasimeyaasha iyo Hawl-wadeenadda Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland.
Kalfadhiga 47aad ee Golaha Wakiillada ayaa si rasmi ah u furmaya 25 bisha October, sida uu qabo Qodobka 65-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Puntland iyo Qodobka 42-aad Farqadiisa 1-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland.