Qarax ay dad shacab ah ku dhinteen oo ka dhacay Gobolka Sh/dhexe

Wararka aan ka helayno Gobolka Shabeellaha dhexe ayaaa ku warramauya in Qarax khasaare badan dhaliyay uu ka dhacay Gobolkaasi, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo la xariira qaraxaasi.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay degaanka Miir-tuuge oo u dhaw degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana la sheegay in qaraxu uu ahaa miino dhulka lagu aasay oo lala beegsaday Mooto ay saarnaayeen dad shaacb ah oo waddada marayay, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaaray dadka shacabka ah ee Miinada lagu bar-tilmaameedsaday.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheeegay in ay maqleen jugta qaraxa oo ahayd mid xooggan, isla markaana laga maqlayay degaanada ku teedsan halka uu qaraxu ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku dhimatay laba ruux oo shacab ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen seddex kale, kuwaas oo loola cararay goobaha caafimaadka.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa tiro dhowr jeer ah waxaa uu ka dhacay Qaraxyo kala duwan, waxaana inta badan ku waxyeelooba dadka shacabka ah ee ku dhaqan Goboklkaasi, walina saraakiisha Ammaanka Gobolka Shabeellaha dhexe wax war ah kama soo saarin qaraxaas maanta lagu laayay dadka shacabka, sidoo kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media