Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay xeerka Doorashooyinka

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta oo Axad ah kulan ku yeeshay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulkaas, iyagoona uga dooday Ajende xasaasi ah oo la horgeeyay.

Golaha Wakiilada ayaa dood ka yeeshay ansixinta Xeerka Doorashooyinka Somaliland, isla markaana markii dambe ansixiyay Xeerka Doorashada, sida uu shaaciyay Guddoonka Golaha Wakiilada.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa laalay qoondada Haweenka ee Golayaasha Somaliland, sidoo kalena diiday “Isxambaar” oo ah qaab lagu soo saari jiray Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanada aan laga aan laga codayn, gaar ahaan Sool iyo Sanaag.

Guddiga komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa dhawaan sheegay inay socdaan howlaha diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, iyagoo xusay inay guda-galeen shaqadii doorashooyinka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media