Guddiga soo xulista Baarlamaanka Hirshabeelle oo gaaray Jowhar

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa gaaray Guddiga soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Xubnaha Guddiga oo ku sugnaa Muqdisho ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga soo xulista Xildhibaanada Cusmaan Maxamed Mukhtaar iyo kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Maxamed Cabdi.

Sidoo kale Jowhar ayaa waxaa dib ugu laabtay in ka badan 30 Xildhibaan oo kamid ah Baarlamaanka Hirshabeelle, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Muddo xileedka Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa waxaa uu ku egyahay 9-ka bisha soo socota ee Octoober 2020, waxaana haatan socoto qaban qaabadaii ugu dambeesay ee soo xulista Baarlamaanka 2-aad ee Maamulkaas.

Ammaanka guud ee Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka Hirshabeelle iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media