Madasha xasaanadsiinta Golaha Deegaanka Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal waxaa ka soo qaybgalay Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga, Guddoomiyaha Maxkamadda darjada 1-aad ee Degmada Garowe, Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC, Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Puntland iyo marti sharaf kala duwan oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada Caasimadda.
Waa tillaabo horey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee 23-kii july 2024 ka qabsoontay 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal oo ka mid ah Degmooyinka Puntland oo hore looga soo qabtay doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal ee ku yimi habka is bahaysiga Xisbiyada Siyaasadda Puntland sida uu qabo qodobka 29aad farqaddiisa 2-aad.
Sidoo lale, Wasiirka ayaa u hambalyeeyey dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Garowe ee la doortay, kuwaas oo maanta yeeshay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka, Guddoomiyaha Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal waxaa ku guulaystay Mudane CabduqaadirMaxamed Axmed (Geedi) oo ka soo baxay Xisbiga Kaah. sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka waxaa ku guulaystay Maxamed Cali (Xamari) oo ka soo baxay Xisbiga Kaah.
Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda doorashooyinka hal cod iyo hal Qof, sida ururada Siyaasada, Guddiga doorashooyinka Puntland (PEC), daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, bahda Warbaahinta, ciidamada amniga, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka Reer Puntland.