Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa muujiyay sida qotada dheer ee ay uga walaacsan yihiin sii socoshada jahwareerka siyaasadeed iyo khilaafka u dhexeeya hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ee ku aaddan qaabka doorashada loo qabanayo .
Golaha Ammaanku ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay dib u milicsadeen horumarka baaxadda leh ee laga sameeyay tobankii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya, taasi oo ay ka mid tahay dadaalkii lagu bixiyay amniga, dimuqraadiyadda, isbadalka siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan cafinta deymaha.
Xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxay hoosta ka xariiqeen in heshiis la gaaro uu muhiim u yahay hanaan kasta oo doorasho uu guuleysto.
Bayaanka ayaa intaa ku daray in heshiiskii 17 September uu wali yahay gundhiga kali ah ee ay wada tageersan yihiim dowladda fedaraalka iyo maamul goboleedyada.
Golaha ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadda inay diidaan wax walba oo rabshado iyo iska horimaad keeni kara islamarkana wadaxaajoodyada sida ugu dhaqsiyaha badan dib loo soo cusbooneyso iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in ay gacan siiso Soomaaliya.