Xiisad Dagaal oo ka taagan degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay ay taagan tahay xiisad u dhexeeysa laba maleeshiyo beeleed oo deeganka wada-dega.

Xiisadaan ayaa sigaar ah uga taagan deegaan lagu magacaabo Deefoow, taasi oo salka ku heysa arrimo la xiriira in dadka deegaanka ay ku kala qeybsameen dhismaha Buundo la sheegay in laga dhisayo Webiga maro deegaankaas.

Dad ayaa waxaa ay ku warreen in maleeshiyaad hubeysan oo iska soo horjeeda ay isku hordhiyaan Deefoow ee waqooyiga Magaalada Baladweyne, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka qabaan in dhinacyada uu dhexmaro dagaal.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in ma’suliyiin ka tirsan Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiye ee Faafeer ay shalay deegaanka xiisada ka taagan tahay ay tageen, iyagoo kulmo la qaatay Odayaasha labada dhinac, in kastoo aan natiijo kasoo bixin.

Maamulka Hirshabeelle ayaan weli ka hadlin xiisada dagaal ee ka taagan degaanka Deefoow taaso sababi karto inuu dhaco dagaal, kadib markii dadka deegaanka ay ku kala qeybsameen dhismaha Buundo la sheegay in laga dhisayo Webiga maro deegaankaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor